Aqriso:Magacyada Gudiga Qaban Qaabada Doorashooyinka Madaxweynaha Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
56

Guddiga qaban qaabada doorashadda Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta la magacabay, kadib kulan Mudanayasha baarlamaanka ay ku yesheen magaalada Muqdisho.

Guddiga oo ka kooban 15 xubnood ayaa loogu qeybiyay shanta beelood ee uu baarlamaanka ka koobanyahay.

Shir guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku dhawaaqay magacyada xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada ee guddoonka baarlamaanka.