Xildhinaada oo Maanta Meel Mariyey Sharuudaha Laga Doonayo Musharixiinta Gudoomiyah Baarlamaanka Iyo Madaxweynaha

0
54

Kulankii labaad kalfadhigii koowaad ee xildhibaannnada baarlamaanka 10aad ee Soomaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa go’aan looga gaaray sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka guddoonka gollaha shacabka iyo madaxweynaha.

Xildhibaannada ayaa dood dheer kadib isku raacay in musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya laga qaado lacag dhan $ 15,000 oo doolar, halka musharixiinta u tartamaya ku-xigeenka guddoonka baarlamaanka laga doonayo in ay bixiyaan $10, 000 doolar.

Siddoo kale baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay in musharixiinta madaxweynaha laga qaado $ 30,000 oo doolar, qodobkan oo ka mid ahaa go’aamadii horey loogu gaaray shirkii ugu danbeeyay ee masha-wadatashiga ayaa waxaa muuqata in xildhibaannada sidiisa u daayeen.

Laakiin dhinaca kale marka la eego xildhibaannada baarlamaanka ayaa isku raacay in musharaxa madaxweynaha siddoo kale laga doonayo saxiixa 20 xildhibaan, waxaana halkii xildhibaan loo ogol yahay in uu saxiixiisa siin karo ilaa saddex musharax.