Alshabab oo Xaley Weerar Ku Qaadey Xerada Laanta Buur ee Gobolka Shabelaha Hoose

0
69

lanta-buurXoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar xaley ku qaadday Saldhig ay Ciidamada Dowladda Somalia ku leedahay Deegaanka Laanta-buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaal muddo ayaa dhex-maray ciidamada dowlada iyo Al-shabaab ee Weerarka ku qaaday saldhigga Laanta-buuro, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay u suuro-gashay inay saldhigga muddo kooban la wareegaan.

Sidoo kale, Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaartay, inkastoo aan la ogeyn inta uu le’eg yahay.

Dhanka kale, Saraakiisha ka tirsan Millateriga Somalia ayaa beeniyay inay u suuro-gashay gashay Al-shabaab inay gudaha u galaan saldhigga ciidamada Millateriga ee Laanta-buuro.

Al-shabaab ayaa dhankeeda weli ka hadlin weerarka la sheegay inay xalay la beegsatay saldhigga ciidamada dowladda Somalia ee Laanta-buuro.