Qarax ay Dad Badani Ku Dhinteen oo Maanta Ka Dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi

0
99

qaraxUgu yaraan 17-qof ayaa ku Geeriyooday, Tiro 30-qof ka badanna way ku dhaawacmeen, kaddib qarax Baabuur oo maanta ka dhacay Koontarool ku dhaw Suuqa beerta ee degmada Waaberi oo ku dhaway waddo laga galo garoonka weyn ee Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal, ayaa sheegay inay arkeen Meydadka dhawr qofood oo goobtii uu Qaraxu ka dhacay yaalla, kuwaasoo intooda badan ahaa shacab, waxaana dadka qaarkood ay intaas ku dareen in dhaawacyada iyo maydadku ay isku darsameen.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Waaberi ayaa warbaahinta u sheegay in intii Qaraxu uusan dhicin uu waddadaas maray madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Xarigga ka jaray Kulliyada Sayniska ee Jaamacadda Ummadda oo dhawaan laga Hir-geliyay Agagaaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay, ayaa sheegay in ruuxii gaariga Qarxay meesha dhigay lagu dhigay gacanta, isagoo yiri. “Ruuxii baabuurka qarxay dhigay goobta uu ku qarxay gacanta ayaa lagu dhigay, Askarigii qabanayay xitaa bir ayuu madaxa uga dhuftay.”