Aqriso Warsaxaafeed Ku Saabsan Abaaraha oo kasoo baxay Xafiiska Maamulka Galmudug

0
34

galmudugDowlada Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay warsaxaafadeed ka soosaartay Abaaraha xoogan ee ka taagan deeganada Galmudug isla markaana magacaawday gudi loo xilsaaray gurmadaka abaaraha Galmudug.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka

WAR-SAXAAADEED:–Iyadoo ay jirto abaaro xoogan oo ka jira gayiga soomaaliya gaar ahaan degaanada Galmudug, ayaa abaarahan waxa ay keeneen dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira barakac, macluul, iyo baaba’ ku yimid xoolaha nool.

Abaarahan waxay gabi ahaanba saameeyeen deegaanada Gobolka Mudug iyo Galgaduud, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in loo gurmado dadka ay saameeyeen abaaruhu si loo gaarsiiyo gargaar bini aadanimo oo ay ugu muhiimsan tahay biyo iyo baad.

Dowladu waxa ay ku howlan tahay in ay gaarsiiso dadkaa dhibaateysan deeq macaawino ah oo dhawaan naga soo gaartay Dowlada aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

BAAQ Dowlad Goboleedka Galmudug waxay baaq u diraysaa Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, Hay’adaha samafalka iyo dhamaan jaaliyadaha ka soo jeeda Galmudug in ay gacan ka geystaan gurmadna loo fidiyo dadkaas ay ku dhufteen abaaruhu si looga hortago in ay ka dhalato xaalad bini aadanimo oo intaa ka sii liidata.

Si loo qaado talaabada ugu haboon ee gacan looga geysan karo gurmadka abaaraha ka jira deegaanka Galmudug, Dowladu waxey magacaawday guddi ka kooban 11-xubnood oo iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsatada deegaanka, waxeyna kala yihiin:

1. Wasiir Shire Xirsi Maxamuud (Gudoomiye)

2. Wasiir Cumar Maxamed Diirye, Guureeye(G/x)

3. Wasiir C/llaahi Axmed Calasow

4. Wasiir Maxamed Nuur Diini

5. Wasiir Cabdi daahir Xuseen Cali

6. Xildh. Farxiyo Xasan Cali

7. Xildh. Farxiyo C/llaahi Sh Doon

8. Xildh. C/wali Cali Maxamuud

9. Xildh. Maxamed Xasan Xuseen

10. Xildh. Xasan Axmed Maxamed

11. G. C/kariin Shiikh Axmed Koofuroow

Ugu dambeyn waxan u mahad celineynaa Dowladda Turkiga, hay’adaha samafalka sida Hay’adda ICRC iyo cidwaliba oo qeyb ka qaadatay taakuleynta shacabka Galmudug.

Dhammaad

Xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug