Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Osmaan Jawaari oo Maanta Booqasho Ku Tegey Koonfur Africa

0
207

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Koonfur Afrika, iyadoo garoonka diyaaradaha Johannesburg ay kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Somalia ee Koonfur Afrika iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Jawaari oo soo dhaweynta kaddib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo gaaro Dalka Koonfur Afrika, uuna la kulmi doono Qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiinta Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa intuu Garoonka Diyaaradaha Johannesburg ku sugnaa, wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyay Jaaliyaddii soo dhaweysay isagoo xusay in Safarkiisaan uu ahaa mid kadis ah.

Safarka gudoomiyaha ayaan aheyn mid horey loo shaaciyey balse waxaa la filayaa in uu jaaliyada somaliyeed ee ku nool dalkaasi uu la kulmo isla markaana cabashooyinkooda uu u gudbiyo.