Ciidamada Amisom iyo Ciidamo Beeleedkii Ku Sugnaa Degmada Marka oo Isaga Baxay

0
130

Ciidamada AMISOM iyo ciidamo beeleedyadii ku sugnaa degmada marka ayaa isaga baxay Maanta degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ay isla markiiba la wareegeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamo beeleedka iyo kuwa AMISOM ayaan weli arrintaan ka hadlin falkaa isaga ah ee ay maanta kaga bexeen degmada marka.

Magaaalada Marko ayay sidan oo kale Sanadkii hore uga baxeen, iyadoo ay la wareegtay Al-shabaab, inkastoo AMISOM ay gadaal ka beenisay inay ka baxday degmadaas oo ay weli gacanta ku hayaan.

Ugu dambeyn, Ka bixitaanka Ciidamadaan Isbahaysanaya ay Maanta Magaalada Marko, ayaa Waxay kusoo beegmaysaa; iyadoo xalay ay Al-shabaab weerar khasaare badan geystay ku qaadday Saldhigga Ciidamada Dowladda Somalia ee deegaanka Laanta Buuro ee Gobolka Shabeellada Hoose.