Aqriso Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Beel Weynta Shanta Caleen oo Ay Ku Taageerayaan Malaaqa Guud ee Beesha Malaaq Siidow Maadow Muuse

0
415

Kulan aad u balaaran oo Maanta ay isugu yimaadeen Dhamaan Beelaha Shanta ceelemood ee Aw Digil ayaa lagu soo saarey War-murtiyeed waxayna si wadajir ah u taageereen Malaaq Guud ee Beeshaas Malaaq Siidow Maadoow Muuse iyagoo isla markaana soo dhaweeyey Go’aanadii ka soo baxay Shirka Madashada Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo Ka dhacey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxgaradka, Aqoonyahanada, Samadoonada iyo Culumu’aadiinka Ee Beesha Shanta Caleemmood ayaa sidoo kale si adag u cambaarayey Warar dhawaan lagu baahiyey Warbaahinta isla markaana waxay xuseen in Beeshu ay ku mideysan tahay ayna leedahay Hogaan dhab ah iyo Maamul Suuban.

Sidoo kale Beesha Shanta Caleemood ayaa waxay tilmaantey In mar weliba ay taageersan yihiin Geeda Socoda Nabadda Dalka Soomaaliya ayna ka qeyb qaadan doonto Doorashada La filaayo in Soomaaliya ay ka dhacdo Augest 2016.

Beesha ayaa waxay Sheegtey in dhamaan Siyaasiyiinta daneynaysa inay ka mid noqdaan Baarlamanka Federalka Soomaaliya 2016 ay u furtan tahay isu soo sharaxida Xildhibaanimo Xubaha Beeshaas isla markaana ay dhici doonto Doorasho Xor iyo Xalaal ah.

Ugu dambeyntii, Ergooyinka dooranaya Musharaxiinta Daneynaysa Xildhibaanimada 2016 ayaa waxay ka kala imaanayaan Dhamaan Jifooyinka Beelaha Shanta Caleemood ee Aw Digil sida Beelaha kale ee Soomaaliya.

shanta caleen

shanta caleen 1