Shacabka Dalka Ingiriiska oo u Codeeyey 51.8% iney Ka Baxaan Midowga Yurub

0
35

Natiijada Aftidii shacabka UK ee ay ku kala Dooranayeeen in ay ka baxaan Ururka Midowga Yurub iyo in ay ka sii mid ahaadaan, ayaa waxay natiijadeedii noqotay inay shacabka Waddankaas doorteen inay ka baxaan Midowga Yurub.

Dadweynaha UK ayaa waxay 51.8% u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub, halka 48.2% ay doorteen inay kasii mid ahaadaan, waxaana Aftidan ku guuleystay qolyihii u ololeynayay inay UK ka baxdo Midowga Yurub.

Sidoo kale, Natiijadaan ayaa waxay saameyn ku yeelatay Suuqyada lacagaha lagu kala sarrifto ee caalamka, iyadoo lacagta UK ay hoos u dhacday maanta oo keliya 10%, marka loo eego sarifka Doollarka, taasoo lagu sheegay middii qiimo-dhacii ugu weynaa ee ku dhaca tan iyo sannadkii 1985-kii.

Markii Natiijada Aftida Britain la shaaciyay, ayaa waxaa Hadlay Hoggaamiyaha Xisbiga Madax-banaanida UK Nigel Farage oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn ugu ololeynayay in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa sheegay in 23-kii Juun ay noqotay maalin Taariikhi u ah Britain.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Britain, David Cameron, ayaa maanta ku dhawaaqay in uu is-casilayo Bisha Oktoobar ee sannadkan lagu jiro 2016-ka, kaddib markii shacabka UK ay u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub.