Banaanbax Looga Soo Horjeedo Sara U Kaca Qiimaha Doolarka oo Maanta Ka Dhacay Magalada baladweyne

0
112

Ganacsiga magaalada Beledweyne ayaa gabi ahaanba xirran, waxaana soconaya mudaaharaadyo ay dadka uga soo horjeedaan sara kac ku yimid sarifka lacag doorka iyo ganacsatada magaalada oo diiday in ay wax ku iibsadaan shilka Somaliga.

Safirka $ 100 doolar ayaa gaaray (3,000,000 shilka Somaaliga ) halka markii hore uu ka ahaa ( 2, 200. 000 shilka Soomaaliga ) kaddib markii sidda la sheegay magaalada la soo galiyay lacago shil Soomaali ah oo lagu soo farsameeyay deegaannada Puntland.

Gaar ahaan dadka ayaa cabasho xoogan ka muujinaya diidamada in wax lagu iibsado lacagta shilka Soomaaliga ah, madaama dadka dan yarta arintan dhibaato xoog leh ku qabaan.

Waxaa siddoo kale xiran xarumaha shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil oo ay saameyn ku yeesheen dadka mudaaharaadyada dhigaya oo qaarkood ku dhawaaqaya eryo ka dhan ah isticaalka lacagta doolarka iyo habka adeega lacaga leyskugu gudbiyo ee EVC PLUS – ka , waana tan keentay in dibadbaxayaashu si gaar ah u bartilmaameesadaan shirkada Hormuud.

Kulan deg deg ah oo ay arintan ka yeesheen mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, ayaa laga soo saaray go’aamo adag oo la dul dhigay ganacsatada iyo sarifleyda oo lagu war-galiyay in $ 100- ka doolar aan la sarifi karin wax ka badan (2, 340, 000 ) oo doolar, cid kasta oo amarkaa ka hortimaadana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.