Tacsi Inaalilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun Xaaji cumar Maxamed Cali (yantaar) oo Shaley Magalada baydhaba Ku Geeryoodey

4
233

Xaji CumarWaxaa maalinnimadii shaley oo ay taariikhdu tahay 24-3-2016 ku geeriyooday magaalada Baidoa marxuum Xaaji cumar Maxamed Cali (yantaar) oo lagu qiyaasey in uu yahay shaqsiga ugu wayn magalada Baidoa kana mid ah oday dhaqameedyada ugu caansan gobolka Baay waxuu ku dhashay magaalada Koronbood ee gobolka Baay markay taarikhdu ahayd 1918-kii, waxuu dunida kaga tagay xaaskii Muslimo Nuur Axmed iyo shan wiil sadex gebdhood iyo 43 oo uu awoow u yahay, 1. Jamilo Cumar. 2. Cali Cumar. 3. Luul Cumar. 4. Fadumo Cumar. 5. Maxamed Cumar. 6. Cabdi Cumar. 7. MowliId cumar. 8. Shiekh Nuur Cumar.

Waxaa tacsiyada diraya

1. Prof Cabdi Maxamed Kuusow
2. Cabdullaahi Maxamed Kuusow
3. Cali Maxamed kuusow
5. Ruqiyo Adan Muuse
6. Maxamuud Boonow iyo Xaaskiisa Ruqiyo Maxamed Kuusow
7. Saacid Sh. Cabdisalan
8. Maxamed Cussman Cali
9. Ambassador Sayid Sheekh Daahir
10.Malaaq Cabdirashid Shiikh
11.Fahad Maxamed Abuukar iyo xaaskiisa
12.Al-Ustad Adam Increase iyo xaaskiisa
13.Cusman Maxamed Macalin
14.Dr Cabdullaahi Amaandhoorey iyo xaaskiisa
15.Maxamed Ibraahim Xasan
16.Faadumo Janaay Ibraahim
17 Cabdi Maxamed Gurey
18 Mursal Shiekh Dahir
19. Maxamed Rashiid Shiekh Dahir
20. Ibrahim Xuseen Ali Saalah
21. Ahmed Ibrahim Ali (Cirro)
22. Xaliimo Macalin Xassan
23. Maxamedd Cabdi Nuur Mad Mad
24. Amino Sharif
25. Sheekh Maxamed Hajir
26. Xaaji Cabdullahi Macallin Cabdulqadir
26. Cumar Maccalin Cali
27 Ibrahim Axmed Ibrahim
28 Xuseen Xaji Cali
29. Cumar Sheekh Cadisalaan
30. Yuusuf Maxamed Nuur
31. Maclin Ahmed
32. Cabdiraxmaan Kuule
33. Maano Maxamed Nuur Cadi
34. Haajir Axmed
35. Sadiq Cabdi
36. Isaaq Maxamed Kuusow

Cumar yantaar waxaa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii ururkii RRA ee Deegaanka Dhanqooq , waxuu ka mid ahaa Booliskii ugu horeeyey ee Soomaaliya loo aasaasey Markii dambe, waxuuna u shaqayn jirey dowlada dhexe dhinaca Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha isagoo ahaa iskuduwaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee gobalka Baay.

1995-1999 oo ahayd xiligii lala dagaalamayey kooxdii dhul-boobka ahayd ee Salbalaar ayaa waxuu ka qayb qaatey halgankii RRA iyo xorayntii Deegaanada Digil iyo mirifle , waxuuna xiligaas ahaa 80 jir doonaya in aan la gumeysanin bulshadiisa , waxuuna ahaa nin aad u jecel Midnimada Digil iyo mirifle.
Illaah waxaan ugu baryeynaa inuu janada fardowsa ka waraabiyo.

Waa halyey aan la halmaami karin .
N/B waxaa lagu xasuusataa wadada Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha ee hormarta UNICEF ilaa ADC oo loo yaqaaney Wadadii Cumar-yantaar kasoo horjeedka Wasaarada Waxbarashada, laga bilaabo maanta si loo xasuusto Xaaji Cumar Yantaar wadadaas waxaa loogu yeeri doonaa Wadadii Cumar yentaar , waayo 4 sano ayuu halgan ku jiray isagoo 80 jir ah waxaan ku wada nooleyn xarunta RRA ee Dhanqooq, waxaan xasuustaa isagoo 80 jir ayuu ka qayb gali jirey halgankii RRA .

4 COMMENTS

  1. Inaalilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun, dhamaan Reer Malaaq Mukhtaar Mohamed Adan Waxaan Tacsi u direynaa Qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyoodey Alaha u Naxaristo Marxuun Xaaji Cumar Mohamed Ali (Cumar Yantaar) Samir iyo iimaan Alaha Nagasiiyo dhamaan bulshawaynta Digil iyo Mirifle. Aamiin

  2. inaalilaahi wa inaa illeehi raajicuun geeridu waa xaq rabi janatu fardowsa haka waraabiyo adeer cumar qabrigiisana waasac ha uga dhigo yaa rabi aamiin aamiin

  3. Ilaahay hau nahriisto jandi fardowsa ka waraabi eheladii o ka geeriyoodayna samir iyo imaan ka sii

  4. inalilahi waa inaa ilahi rajicuun, ilahay ha u naxaristo xaji cumar yantaar janadi fardowsana alah geeyo tacsi balaaran waxan u diraaya dhamaan reer cumar yantaar iyo qarabadi iyo asxaabti uu ka baxay samiir iyo imana alah naga wada siiyo.

Comments are closed.