Xukuumadda Turkiga ayaa Shaacisay inay Xoojin doonto xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Soomaaliya, sidoo kalena ay sare u qaadi doonto maal-gashiga ay ku sameynayso Somalia.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa isagana dhankiisa xusay in dhawaan ay Muqdisho ka furi doonaan Isbitaal loogu adeegayo dhallaanka iyo Hooyooyinka gudaha Somalia ku Nool.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Turkiga, Lutfi Elvan oo ka Hadlayay Shirka Arrimaha Somalia ee shalay ka furmay Magaalada Istanbuul ayaa yiri. “Waxaa naga go’an inaan sare u qaadno Maal-gashiga uu Turkigu ku sameynayo Soomaaliya, kaasoo maraya xilligaan in ka badan Boqol Milyan oo Doollar.”
RW Somalia, Cumar C/rashiid oo isaguna ka hadlay shirka ayaa sheegay inay Somalia soo dhaweynayso maal-gashiga ay Turkigu ku sameysanayaan Somalia, wuxuuna sheegay inuu dalka uu leeyahay kheyraad ku filan oo caalamka oo dhan ku filan.
