Gudoomiyaha Degmada Baraawe oo Maanta Qarax Miino Ah Ku Dhaawacmey

0
379

baraweGudoomiyaha degmada Baraawe oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose Xuseen Barre Jeex, ayaa lasoo sheegayaa inuu ku dhaawacmay Maanta Qarax lala eegtay isagoo ku sugan xafiiskiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Guddoomiyaha uu Dhaawaca fudud soo gaaray, waxayna maamulka degmada ay sheegayaan in qaraxani uu ahaa bambaano lagu soo tuuray xafiiska Guddoomiyaha degmada Baraawe.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen ruuxii bambaanadaas soo tuuray, inkastoo wararka qaarkood ay ku warramayaan in qaraxa uu ahaa mid dhulka lagu aasay.

Ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas’uuliyadda Weerarkan Guddoomiyaha Baraawe lagu dhaawacay, balse qaraxyada noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM.