Warar inaga soo gaaraya magalada marka ayaa sheegay in aroornimadii hore ee saaka ay ciidamada ugandha oo qeyb ka ah amisom isaga guureen saldhig ay ku lahaayeen bartamaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.
Ciidamada AMISOM ayaa saldhig ku lahaa xarunta dowladda Hoose ee degmada Marka, waxaana joogitaankooda bartamaha magaalada dhib weyn ku qabay shacabka magaalada Marka, waxay hadda AMISOM u guureen saldhiga Ceeljaalle ee duleedka degmada Marka.
Arinta waxaa si weyn u soo dhoweeyey dadweynaha magaalada Marka oo muddo dheer la daala dhacayey dhibaatada AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda oo shaley ka huleelay iyagana magaalada.
Si kastaba arintu ha ahaatee dhibaatada ka taagan gobolka shabeelaha hoose ayaa ah mid ay ku hayaan kooxo ku labisan dareyska dowlada isla markaana la sheegayo iney yihiin ciidan dowladeed iyo weliba amisom.
