Waxaa socda baariatanno looga shakisan yahay in Qaraxii Diyaaradii A321 ee Daallo Airlines ee sida deg-degta ah ugu soo degtay Muqdisho uu ahaa mid ay ka dambeysay Al-shabaab, sida ay sheegeen ilo wareed ka tirsan dowladda Mareykanka.
Reuters oo ka mid ah Wakaaladaha Wararka Caalamka ayaa qortay in Il-wareedyadaan ka tirsan Xukuumadda Washington ay sheegayaan in la rumeysan yahay in weerarkan ay soo abaabushay Al-shabaab. Inkastoo aanay illaa hadda jirin cid sheegatay mas’uuliyada shilkii qabsaday diyaaradda Daallo Airlines.
Sidoo kale, Ilaha wararka Mareykanka ayaa sheegaya in waxyaabo Qarxa laga shaki qabo in lasii saaray, balse waxaa socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo walaxda qaraxday nooca ay ahayd.
Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo sheegaya inay ku lug leeyihiin shilkii ka dhacay diyaaraddii Daallo Airlines. Dhanka kalena ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay shirkadda Daallo Airlines.
