Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shir ay maanta golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho lagu go’aamiyay in xiriirka siyaasadeed loo jaro dalka Iiraan, waxaana war-saxaafadeed ay maanta soo saaray wasaarada arrimaha dibadda Somalia lagu sheegay in xiriirkii siyaasadeed loo jaray Iiraan.
Eedaha loo jeediyay dowladda Iiraan ayaa waxaa ka mid ahaa weerarkii loo geysatay safaaradda boqortooyada Saudi Arabia ay ku leedahay magaalada Tehran ee xarunta dalka Iiraan.
Gaba-gabadii, golaha wasiirrada Somalia ayaa waxay go’aamiyeen in dowladda Somalia ay xiriirka Dublamaasiyadeed u jarto Xukuumadda Iiraan, maadaama ay ku xad-gudbeen xeerka caalamiga ahaa ee Vienna (Vienna Convention).
Dhanka kale, war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aankaan lagu Wargeliyay sii-hayaha Safiirka safaaradda Iiraan ee Somalia, isla markaana dublamaasiyiinta Iiraan ee ku sugan Soomaaliya lagu wargeliyay in ay dalka uga baxaan muddo 72-saacadood ah.
Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka kasoo yeerey dowlada federalka somaliya ayaan aheyn mid cusub maataaba ay ka tirsan yihiin wadamada gacansaarka weyn la leh dowlada sacuudi
