Tacsi-Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

0
125

tacsi-1Allaha u naxariistee waxaa goor-dhow si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Ugasa C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa ugaaska beesha Xawaadle.

Wariyeyaasha ku sugan magalada baladweyne ayaa soo sheegay in xilli loo fadhiyay shir ka socda magaalada Baladweyne uu ugaaska xanuun kusoo booday markii la geeyay Isbitaalkana uu geeriyooday.

Ugaaska ayaa toddobaadkii hore ka furay Baladweyne shir uu abaabulkiisu lahaa kaasoo la sheegay inuu yahay shir laba ujeeddo leh, kuwaasoo kala ahaa dib u dhiska garoonka diyaaradaha Baladweyne iyo in aayaha dambe laga tashado.