Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inuu guddi gaar ah u saaray baarista dilkii loogu geystay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan maalin ka hor sarkaal ka tirsan hay’ada UNMASS, dilkaasoo dhaliyay xiisad.
C/risaaq Cumar ayaa sheegay in guddi ka kooban toddoba xubnood loo dirayo magaalada Beledweyn, si ay u billaabaan baaris la xiriirta dilka sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Mahdi Xuseen.
Sidoo kale, wasiirka amniga ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Baladweyne inay dajiyaan xiisadda, isla markaana xal laga gaaro khliaaf walba oo jira, isgaoo xusay in madaxweynaha iyo isaga ay xiriir la sameeeen oday-dhaqmaeedka magaaladaas ayna kala hadleen sidii xal waara loo gaari lahaa wixii khlaaf ah ee jira.
Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa shalay ka jirtay xiisad ka dhalatay dilka mas’uulkan, taasoo sababtay in isku socodka gaadiidka iyo shacabka ay shalay xayiraadi lasoo gudboonaato.
