Guddiga Masjidka Kadiim ee Baladxaawo oo Codsadey in laga qeyb qaato dhamaystirka Dhimaha Masjidka oo maraya Gebo Gebo ( Sawiro )

0
92

005Guddiga dhismaha Masjidka Khadiim ee Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa Codsi Baaq ah oo ay soo saareen waxay kaga Codsadeen Umada Soomaaliyeed ee Islaamka ah meel kasta oo ay joogaan in ay dhaqaalo ku bixiyaan dhamaystirka Masjidkan oo ah Midka ugu weyn ee Degmada Baladxaawo,haatana howlahiisu ay marayaan heer gebo gebo ah.

Masjidkan oo dhismahiisa laga bilaabay degmada Baladxaawo muddo haatan laga joogo ilaa 2 sano iyo Bar ayaa hadda waxaa ku tukada dad ka badan ilaa 2kun oo Ruux,haddii lagu guuleysto dhismaha Dabaqa oo dhowaan la bilaabay waxaa markiiba ku tukan kara ilaa 4kun oo ruux,iyadoo Masjidkana xilligan uu u baahan yahay sida sameynta Musqulo, Baraago lagu weyseysto iyo Qolka mydka lagu dhaqo.

Sh.Xasan Aw-Muxumed Cabdi(Sh.Xasan Gaab)oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiim ee Baladxaawo oo la hadlayey warbaahinta ayaa ugu horeen waxaa uu uga mahadceliyey Qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Baladxaawo iyo Jaaliyadaha Soomaalida ee dalka dibadiisa in ay dhismaha masjidka ku bixiyeen dhaqaalo aad u tiro badan,haatana ay ka codsanayaan dhamaan dadka muslimiinta in ay ka qeyb qaatan dhamaystirka Masjidka .

Sidoo kale C/rashiid Qudus oo ka mid ah Gudiga Masjidka ayaa tilmaamay dhismaha Masjidka oo lagu sameeyey markii hore dib u dhis iyo balaarin dhismaha hoose ee hadda la lagu tukado in ay ku baxdey lacag dhan ilaa $180,000 oo Dolar,halka qeybta Dabaqa ah oo dhismahiisu dhowaan la bilaabay ay ku bixi doonto lacag dhan ilaa $100,000 oo Dolar,taasoo bixinteeda ay ka rajeynayaan dhamaan dadka muslimiinta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

FG: Si waxii aad Sadeqaysan kartid aad u bixisid la xariir Telefonadan Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo iyo Emailkan:

1- Sh.Xasan Aw-Muxumed Cabdi(Sh.Xasan Gaab)-Gudoomiye-Telefon 0615020004/0722923359
2-C/rashiid Xuseen Aw-Cabdi(C/rashiid Qudus) Madaxa Dhismaha Masjidka 0615557664/0714142078
3-Sh.Axmed Koosaar Cabdi Madaxa Dacwada Masjidka Khadiim 0615388496
4-C/laahi Muxumed Faarax(C/laahi Harqaanle) Xubin Gudiga Masjidka 0615120337
5-Yaasiin Sh.Aden Xubin Gudiga dhismaha Masjidka 0615833204
6-Abshir Cali Soomaali,Xubin Gudiga 0615554588

003

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

004

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

005

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

006

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

007