Kulan Lagu Sagootinaayo Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banadir oo Maanta Muqdisho Lagu Qabtey

0
96

mungabGuddoomiye ku xigeennada Agaasmeyaasha Heer gobal Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Saraakisha Ciidanka ilaalada Deeganka Xamar Ururka haweenk agobalka iyo Dhamaan Howlawadeenada Gobalka Banaadir ayaa ka qeybgalay Kulan lagu sagootinayay Sii hayaha Guddoomiyihii hore gobolka banaadir mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungab) kaasi oo ka dhacay Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.

Qaar ka mid ah Ka qeybgalayaasha Kulanka oo hadlay ayaa Ku amaanay mudane Muungaab Marxaladihii adkaa uu soo hagaamiyay Gobolka iyo isbedalada Horumarka leh ee uu gaarsiiyay Magaalada Caasimada ah Kuwaasi oo ah kuwa haatan Muuqda.

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungab ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay Isbadalka Cusub ee lagu sameeyay maamulkaGobolka Banaadir isagoo ku baaqay in lala Shaqeeyo Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho MudaneYuusuf Xuseen Jimcaale.

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab) Waxa uu sheegay in uu Bulshada Soomaaliyeed u sii shaqeyn doono islamarkaana uu Garabtaagan yahay Maamulka Cusub ee gobalka Banaadir.