Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xabsi Daa’in Ku Xukuntey Dhalinyaro La Sheegey Iney Ka Tirsan Yihiin Alshabab

0
353

courtMaxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xabsi daa’in ku xukuntay saddex dhallinyaro ah oo la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, kadib markii lagu helay dambiyadii loo haystay, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Somalia.

Saddexda ruux ee la xukumay ayaa la sheegay inay ciidamada Amniga dowladda Somalia soo qabteen bishii September ee sanadkan, iyagoo wata mooto Bajaaj, bam gacameed iyo bastoolado ay doonayeen inay ku fuliyaan falal amni-daro ah, iyadoo la sheegay inay ka qirteen maxakamadda horteeda in Al-shabaab ay ka tirsanaayeen ayna fuliyeen dilalka kala duwan oo ahaa kuwo qorsheysan.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa maxkamadda ka akhriyay dambiyadii lagu soo eedeeyay saddexdan ruux, iyaguna ay qirteen dambiyada lagu soo oogay.

Intaas kaddib, ayuu guddoomiyaha maxkamadda Col. Xasan Shuute wuxuu ku dhawaaqay xukunnada lagu riday eedeysanayaashan, wuxuuna sheegay in xabsi daa’in lagu xukumay dhammaantood.