Roobab Iyo Isbaarooyin Godoon Geliyey Degmada Qoryooleey

0
55

qoryooleyMaamulka degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in muddo Laba Todobaad ah ay xiran yihiin dhammaan wadooyinka gala degmadaasi, ka dib roobab ka da’ay halkaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Xaaji Cismaan ayaa sheegay in degmada ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah, islamarkaana xirnaanshiyaha wadooyinka ay sababeen in sare uu u kaco qiimaha la kala siisanayay Raashiinka.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Qoryooley ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabeen wadada dhanka Muqdisho soo aadan, hase ahaatee taasina lasoo dhigay Isbaarooyin badan oo kor u dhaafaya 10.

Waxaa gobalo badan oo dalka ka mid ah ka curtay roobka xilliga Deyrta, kaasi oo biyo dhigay wadooyin muhiim u ahaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.