AXMED Xuseen oo Noqdey Muwaadinkii Ugu Horeeyey ee Somaaliyeed oo Loo Doorto In uu Ka Mid Noqdo Baarlamaanka Canada

1
125

axmedAXMED Xuseen oo u tartamayay xisbiga Liberal ayaa noqonaya muwaadinkii ugu horreeyay oo Soomaaliyeed oo ku guuleysta taariikhda doorashooyinka baarlamaanka dalka Canada, iyadoo laga soo doortay xaafadda York South-Weston ee magaalada Toronto.

Axmed ayaa ka adkaaday murashaxii laga soo dooran jiray xaafadda laga soo doortay oo lagu magacaabo Mike Sullivan oo ka tirsanaa xisbiga NDP. Inkastoo ay hareen labadii murashax ee kale ee Soomaalida ahaa ee tartanka ka qayb-qaadanayay.

Soomaalida ku nool waddanka Canada ayaa aad ugu riyaaqay guusha uu Axmed ka gaaray doorashada baarlamaanka, iyagoo u arkaya guushiisa inay horseedayso inay baarlamaanka dalka Canada cod ku yeeshaan markii ugu horreysay taariikhda.

Xisbiga laga guuleystay ee Conservative-ka ayaa ahaa xisbi kasoo horjeeda qoxootiga ku nool dalka Canada, isagoo soo saaray sharci dhigaya in dhallashada laga qaado qofkii lagu helo inuu faraha kula jiro falal argagaxiso.

Xisbiyada NDP iyo Liberal ayaa aad uga soo horjeestay go’aanka xisbiga Conservative-ku ku diiday niqaabka ay qaataan haweenka muslimiinta ah, iyagoo ku tilmaamay falkaas mid fool-xun oo ka dhan ah haweenka muslimiinta.

Doorashooyinka baarlamaanka Canada ayaa waxaa 185-kursi oo kuraasta baarlmaaanka dalkaas ka mid ah ku guuleystay xisbiga Liberal-ka oo uu ka tirsan yahay, Axmed Xuseen oo ah Soomaaliga, iyadoo xisbigaan uu sannadka soo socda hoggaamin doono Canada.

1 COMMENT

  1. Xubin Baarlamaan waxaa noqonkara qof kamid ah wadanka baarlamaaniga unoqday dadkiisa waxaa la dhihikaraa oo keliya wuxuu ahaanjiray Somali ee hada ma aha somali arimaha quseeya kanada ayuu gaar ahaan deegaaanka uu deganyahay ee katirsan kanada warka saas loomadhigo waxaa loodhigaa Nin asalkiisu yahay somali oo markii ugu horeysey kamid noqday Baarlamanka Kanada

Comments are closed.