Maanta oo ah maalinta ugu muhiimsan gudashada waajibaadka Xajka ayaa waxaa Buurta Carrafo Maanta taagan malaayiin qof oo Muslimiin ah, kuwaasoo ka kala yimid dacallada Adduunka.
Saaka ayaa wxaa Buurta Carrafo u dareeray sannadkan 3-milyan oo qof oo ay ku jiraan Xujey Soomaali ah oo caalamka dacaladiisa, iyadoo maanta oo dhan ay dadkan taagnaa-nayaan cad-ceedda kulul.
Xujeyda ayaa waxay maanta oo dhan ku baryi doonaan ALLE Buurta Carrafo dusheeda; iyadoo marka ay Qorraxdu dhacdana u dareeri doona Musdalifa, halkaasoo ay kasii wadan doonaan gudashada waajibaadka Xajka.
Sidoo kale, Berri oo ah Maalinta Ciidul-Adxa ayaa waxay xujeydu gowraci doonaan xoolo, iyadoo dunida inteeda kalena laga ciidi doono ciidda labaad ee ugu weyn ciidamadaha Islaamka.
