Wasiirka Maaliyada Maxamed Adan Farkeeto oo Xaley Ka Qeyb Galey Barnaamijka Kulanka Jimcaha

0
189

Wasiirka_Maaliyadda_SomaliaWasiirka Maaliyadda Xukuumada Somalia Maxamed Aaden Ibraahim [Farkeeti] oo shalay ka Qayb-galay kulanka Jimcaha ee Raadiyaha Afka Dowladda Somalia ku hadla ayaa si faahfaahsan uga hadlay dib u eegista Miisaaniyadda Sannadkan 2015-ka, canshuuraha, Qaabka dakhligu u soo xaroodo, dhibaatooyinka haysta badeecooyinka ka taga Muqdisho, Mushaarka Ciidanka iyo Qorshaha ku aadan isku xirka canshuuraha dalka.

Wasiirka oo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisu ay su’aalaha si toos uga soo weydiinayeen khadadka telefoonada, Facebook iyo Twitte-kar, ayaa si faafaahsan bulshaweynta Soomaaliyeed ugu waramay caqabadaha dhaqaale ee dalka ka jira iyo in maanta muhiimad gaar ah u leedahay in umadda Soomaaliyeed la fahanysiiyo fa’iidada ay canshuurtu u leedahay horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale aad uga hadlay canshuuraha is bar bar yaaca ah ee laga qaado shacabka, kuwaas oo qaarkood loo aaneeyey Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna Wasiirku sheegay in Wasaaraddu ay ogtahay oo kaliya canshuurta lagu qaado boonada Xafiiska Xisaabiyaha Guud, wixii intaas ka soo harana aysan wasaaradu wax shaqo ah ku lahayn.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in waasaradu ay wado qorshe ay isugu keenayso Maamul Goboleedyada dalka si loo mideeyo canshuuraha dalka, taas oo looga gol leeyahay in canshuuraha hada laga qaado ilaha dhaqaalaha in loo badalo hab Tariifo ku salaysan.