Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Cod Aq-labiyad ah ku Ansixiyay Mooshinii laga keenay Baarlamaanka Jubbaland, kaas oo dhawaan laga keenay mooshin, waxaana ogolaaday mooshinka 132—xildhibaan oo ka mid ah 142 xildhibaan oo codkooda dhiibtay.
Markii uu furmay kulanka Baarlamaanka Somalia ayay xildhibaannadu billaabeen in ay ka doodaan, iyadoo xilligaas ay kulanka joogeen150-xildhibaan, balse sideed ka mid ah ay intii uu kulanku socday ka tageen.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia Mahad C/lla Cawad oo kulanka Shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta, wuxuuna sheegay inay 142-xildhibaan Codeeyeen, 132 ka mid ah ay ogolaadeen Mooshinka, halka ay diideen Afar xil-dhibaan, iyadoo ay ka aamuseen lix mudane oo kale.
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa waaxay codeynta kaddib billaabeen inay Sac-biyaan, qaarkood ay ku dhawaaqaan erayo ay ku Taageerayaan in la diiday Baarlamaanka Jubbaland oo ay ku eedeeyeen Xildhibaannadii Mooshinka keenay in uu yahay mid aan si sax ah loo soo xulin.
gudomiyaha barlamanka puntland
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
gudomiyaha barlamanka puntland mobil
Asc waa wax lagu farxo hoosha ayqabteen. Xildhibaanada fediraalka soo maalia oona looga hambal yeeyo
waxaan soo dhawaynayaa Mooshinka laga keenay Baarlamaanka Maamulka Jubaland oo xaaraanta Lagu dhisay uu Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ku guulaystay Shalay inuu Laado Barlamanka aan xaqa kudhisnayn ee sid bursiga iyo dhul boobka Kusalaysan waxaana leenahay Guulaysta Barlamaanka soomaaliya oo arinkaas sida saxda ah ugu codeeyay.
Comments are closed.