Gudoomiyaha Maxkamada sare Caydiid Ilka Xanaf oo Ka Horyimid Kala Dirista Golaha Adeega Qaranka

0
154

ilko xanafGudoomiyaha Maxkamada dalka Ceydiid Ilka Xanaf oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa si cad uga soo horjeestay go’aankii madaxweyne Xasan Sheikh uu ku kala diray Golaha adeega Garsoorka.

Wuxuu sheegay Ceydiid Ilka Xanaf in madaxweynaha Soomaaliya si qaldan loogula taliyay kala diristii Golaha adeega Garsoorka ee dalka,islamarkaana xilligan aan lakala diri Karin Golaha adeega Garsoorka.

Hadalka gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka Xanaf ayaa ku soo aadaya,xilli digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya lagu kala diray Golaha Adeega Garsoorka dalka.