Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay qarax maanta galinkii hore lala eegtay macalimiin ajnabi ah isla markaana barayaal ka ah iskuulka Yamayska ee magaalada Gaalkacyo sida ay ku soo waramayaan dad goob-joogayaal ah.
Qaraxan ayaa la sheegay sidoo kale in ay ku dhaawacmeen tiro dhan afar ruux oo kamid ah barayaashaas oo u dhashay dalka Kenya, waxaana uu ahaa mid lagu aasay wadada dhinaceeda.
Ruuxa geeriyooday ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalida iskuulka lala beegsaday Qaraxa, iyadoo dhaawacyada loo cararay cisbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo, waxaana soo baxaya warar sheegaya in tirada dhimashada ay intaa ka sii badan-karto.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka magaalada ayaa soo gaaray dugsiga, waxaana howl-gallao ay goobtaa ka fuliyeen la sheegay in ay ku qab-qabteen dhowr ruux oo looga shakiyay in ay wax ka soo abuuleen qaraxan.
Daafeet.Com