Maxkamada Sare ee Kenya oo Xayiraad Kusoo Rogtey 8 Qodob oo Ka Mid Ah Sharcigii Dhawaan Kasoo Baxay dalka Kenya

0
172

courtMaxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa xayiraad kusoo rogtay manta qodobbo ka mid ah sharciga muranka dhaliyay ee wax ka bedelka ammaanka dalka Kenya, kaasoo laba toddobaad ka hor uu saxiixay madaxweynaha dalkaas, iyadoo ay uga soo horjeesteen isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD.

Garsooraha maxkamadda sare ee Kenya, George Odunga ayaa ku sheegay in sideed qodob oo sharcigan ka mid ah xayiraad la geliyay, kuwaasoo ahaa kuwo ay si aad ah walaac uga muujiyeen hay’adaha xuquuqda aadanaha, isagoo dalbaday in la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah si sharcigaan looga doodo.

Xukuumadda Kenya weli wax jawaab ah kama bixin xayiraadda qaar ka mid ah sharcigan oo ay baarlamaanka dalka Kenya horay u ansixiyeen ay maxkamadda sare ee Kenya kusoo rogtay Jimcaha maanta ah.

Qodobada isticmaalkooda la joojiyay ayaa waxaa ka mid ah qodobka ku saabsan in xabsiga lagu hayn karo muddo hal sano ah maxkamad la’aan qofkii lagu tuhmo argagaxisonimo iyo inaysan saxaafadu baahin karin wararka ku saabsan falalka amni-xumada ah ee ay geysteen argagaxisada iyo kooxaha kale ee hubeysan. Kuwaasoo ahaa qodobbadii ay shacabka dalka Kenya sida aadka ah uga qayliyeen.

Sidoo kale, qodobbada xayiraadda lagu soo rogay ayaa waxaa ka mid ah inay Kenya joogi karaan markiiba 150,000 oo ruux oo qoxooti ah, qodobkan oo ka mid ahaa kuwa walaaca xooggan muujiyay.

 

Daafeet.Com