Howlgalo xaley Laga Sameeyey Degmada Xamarweyne Ayaa Lagu Soo Qabqabtey dad aad u Tira Badan

0
122

reer afgooyeCiidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay howlgal ay ka sameeyeen Degmada Xamarweyne ee magalada muqdisho waxa ay kusoo qab-qabteen dad aad u fara badan.

Howlgalkan ayaa waxaa sameeyay ciidamada Booliiska Dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka ciidamada Booliiska Qaasim Axmed Rooble oo intaasi ku daray hadalkiisa in howlgalka dadka lagu soo qab-qabtay baaritaan uu ku socdo.

Wuxuu shegay in ciidamada ay soo qabteen 200 oo ruux, kuwaasi oo la isugu geeyay Saldhiga Afar irdood ee Degmda Xamarweyne si loogu kala saaro halkaasi, kadibna inta Shabaab lagu helo loo xiro.

Si kastaba arintu ha ahaatee howlgalada ay sameynayaan ciidan boliska ayaan eheyn kuwo cusub beryahan dambaba waxaa ay ka socdeen magalada muqdisho iyo meelaha ku dhow dhow oo ay dad fara badan kusoo qab qabteen.

 

Daafeet.Com