Baarlmaanka Somalia ayaa maanta u yeeray Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti-dhowrka guud ee dalka, si su’aalo looga weydiiyo arrimo la xiriira xafiisyadooda, sida uu kulankii baarlamaanka Somalia uu maanta yeeshay ka sheegay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Jawaari ayaa sheegay in 12-xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ay u soo gudbiyeen qoraal lagu doonayo in labadan xafiis su’aalo looga weydiiyo arrimo la xiriira howlahooda, wuxuuna xusay inay ku wargeliyeen in berri ay horyimaadaan baarlamaanka.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa amaray in qoraalka loo qaybiyo xildhibaannadii kulanka goobjoogga ka ahaa, wuxuuna xildhibaannada oo tiradoodu ahayd 141 uu ku wargeliyay inay soo diyaarsadaan su’aalaha ay weydiinayaan xafiisyadan.
Labada mas’uul ee xafiisyada loo yeeray weli kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan u yeeriddooda baarlamaanka, waxaase la sheegay in amarkii ay dhawaan soo saareen ee ahayd xayiraadda lagu soo rogay wasiirrada hore ay la xiriirto.
Daafeet.Com
Ama ii afgarao ama dacwad ayaa ka gudbinaya waayeshekadu Kuwan duul ka qeyr badan Allah ha nogu bedelo ma xishodaan $4.000 US ayuu each of them musharkisu yahaya wah faido leh ay qabtena ma jirto ma dhergaan dalki iyo dadkina faraxa ayuu ka si baxowhaya hadda waxa ay wadaan maxa leyskula xisabtamaya Subnahalah.
Midda kale Gudomiya maba yaga hadli karo musharkisa in leyska amuso ayaa roon hadikale waa la wada naxay.
XISABI XIL MA LEH HADAAN LA XUMEYNEYNIIN ha ahato shekadu qofki didana dan kale ayuu waata oo ah Dalka iyo Dadka aan dhacee iga si jeso.
Comments are closed.