Ciidamada Asluubta oo Sheegey Iney Kusoo Qabteen 8 Ruux Howlgalo Ay Ka Sameeyeen Degmada Afgooye

1
174

afgooyeWasaarada amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxa howlgalo ay ka sameysey degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose waxaa ay oo bandhigtay 8-ruux oo la sheegay inay Shabaab ka tirsan yihiin.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in 8-ruuxa ay yihiin Shabakad ka tirsan Ururka Shabaab oo dilal qorsheysan ka geysan jireen Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sidoo kale ku waramaayo in dadkaan hubka iyo qaraxyada Muqdisho ay kusoo gelin jireen gaadiid yar yar iyo gaari dameero sida uu hadalka u dhigay.

Si kasataba arintu ha ahaatee howlgaladan ay hayaan ciidamada nabadsugida ayaa ah kuwo beryahanba lala bartilmaameedsanayey xubnaha ka tirsan Shabaab ee dilalka iyo qaraxyada ka geysta Magaalada Muqdisho.

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. DHULKA NINKII LAHAA AYAA GUBAAYAA MARKAA AFGOOYE CIDII LAHAYD AYAA NABADEEDA KA SHAQAYN KARTA CIIDAN NABAD SUGID WALAA CIIDAN KAMAADOWS AYAAN WAXBA KA QAADI KARIN AFGOOYE BEESHA ISKA LAHAYD AYUUN BAA NABADEEDA IYO COLAADEEDA KA SHAQAYN KARTA DADKA KALE EE LAGA IIBIYAY JAGOOYINKA EE HADA SHEEGTA WAA ISKA BIXI DOONAAN MARKA RUNTA AY GARTAAN DADKII AFGOOYE 200SANO KA HOR DAGANAYAA EE ADUUN YADA UKALA YAACAY MARKII AY XABAD AYSAN FILAYN LA LEEFSIIYAY
    HADA AMA SHABAAB HA NOQDAAN MA DHUL XORAYN HA GALAAN DHULKASTA NINKII ILAAHAY KU BEERAY AYAA NABADEEDA AMA COLAADEEDA ISKA LEH HA WAALANINA CIDA KU WAREEGAYSA AFGOOYE IYO AG AGAARKEEDA

Comments are closed.