War Deg Deg Ah:- Wadahadalo U Dhexeeya Xildhibaano uu Hogaaminayo Sheekh Adan Madoobe Iyo Odayaal uu Hogaaminayano Gudomiyaha Golaha Guurtida Malaaq Shure Oo Hada Ka Socda Xarunta ADC-da

2
169

breaking nWadahadalo ay garwadeen ka yihiin Qaar ka mid ah Xildhibaanada Qaranka oo gaaraya 9 Xildhibaan oo uu horkacaayo Ex. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Adan Madoobe iyo qaar kamid ah Golaha Guurtida Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo gaaraya 8 Oday  oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida KG6 Malaaq Xasan Shure Maxamud ayaa waxaa uu ka furmey xarunta ADC-da ee magalada baydhaba.

Wadahadalkan ayaa daba socda heshiiskii 29-ka November 2014 ay wada gaareen Xildhibaanada Qaranka iyo Shariif Xasan, si looga gudbo xaaladaha cakiran ee ka jira goboladan, wada hadaladan ayaa la filaa in la soo afjari doono maalmaha nagu soo fooda leh.

Wadahadaladan ayaa waxaa ay kusoo beegmayaan xili ay maanta gaareen magalada baydhabo wafdi xildhibaano ah oo uu hogaaminaayo Xildhibaan Sheekh Adan Madoobe.

Wixii soo kordhaa dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haduu alla dimo.

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. ilaahow nawaafaji wixii umadan kheer uGu jira adiga ayaa og qoluubtooda wixii kujira, balse waxaa iga fariin ah haddii waxaa ay wadaan adan madoobe iyo kuwa lajira haday khiyaano wataan waxba masuuroobyaan waxayna ku dhamaan doontaa sidii kuwii kahoreeyay oo kale weyee.

Comments are closed.