Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa waxa uu xalay shaaca ka qaaday in Xildhibaanada la soo gaarsiiyay fariin qoraaleed (SMS) ah oo ka timid Xafiiska Xoghaynta Baarlamaanka oo sheegaysa in Xildhibaanadu ay kasoo qayb galaan shirka Baarlamaanka oo dhici doona maalinta maanta ah Talaadada bishuna tahay 11/11/14 saacadu kolkay tahay 9:00 AM iyadoo kulankana uu ka mid yahay waxa looga hadli doono mooshinka ay Khamiistii tagtay soo gudbiyeen Xildhibaanada ee looga soo horjeeday Ra’isul Wasaaraha dalka Cabdiweli Sheekh Axmed.
Shir-gudoonka ayaa berri ka hor-sheegaya kulanka in Baarlamaanka uu hor-yaalo mooshinka, iyadoo kadib Xildhibaanada loo qeybin doono nuqullada mooshinka, isla markaana muddo shan cisho kadib uu bilaabanayo ka doodista mooshinka sidoo kalena waxaa baarlamaanka hortiisa la aqrin doonaa magacyada Xildhibaanadii saxiixay mooshinka sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Halkan ka dhegaysoUnknown Album