Ciidamada la dagalanka Burcad badeedka oo Qabtey Markab Ay Ka Buuxaan Daroogo

0
116

markabCiidamada la dagaalanka burcad badeeda ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen markab ay saarnaayeen waxyaabaha maanka dooriya oo kusoo wajahnaa dalka Soomaaliya.

Ciidamada labada dowladood ayaa howlgalka ka sameeyay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, waxaana la ogaaday in markabka uu kusoo wajahnaa dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidamada difaaca New Zealand ayaa lagu sheegay in daroogada ay aheyd maandooriyaha xashiiska loo yaqaana oo tankiisu ahaa 5588kg, waxaana lagu qiimeeyya 246 milyan oo doolar.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in markabka uu ka soo dhaqaaqay dhanka wadamada carabta uuna kusoo jeeday dalka Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah wadanka uu ka yimid loo sheegin.

Daafeet.Com