Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Ceelwareegow oo ka Tirsan Degmada Marka

0
65

imgresWar naga soo gaaray Jiida Ceelwareegow ayaa sheegaya in Saakay halkaasi uu Dagaal ka qarxay. Dagaalka ayaa soo biloowday barqadii Maanta, wuxuuna soo gaaray Galabta, waxaa jira khasaaro xoog leh oo isugu jiro Dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaaray Mooryaanta kusoo duushay Gobolka Shabeelada hoose. Goobta Dagaalka waxa yaala  Meydad badan oo ay Mooryaanta kaga carareen Ceelwareegow.

Waxaa xusid mudan in Ciidanka wax iska Caabinta ee Beesha Biyo-Maal ay si joogta ah u weeraraan Mooryaanta ku soo duushay Degmada Marka. Isbixaysiga Xaqdarada ee ku soo duulay degmadan ayaa Taageero Hiil iyo Hooba ka heleyo Dowlada Federaalka. Kaabomoryaantan ayaa  Hadafkoodu yahay inay barakiciyaan Dadka Deegaanka iyo inay isku balaariyaan Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose. Basle taasi waxaa ka hortaagsan Sooma-jeedsadayaasha Ciidanka Deegaanka.