Ciidamo kawada Tirsan Dowlada oo Muqdisho Ku Dagaalamey

0
32

cidanDagaal culus oo u dhexeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Xaafada Buulo-Xuubeey ee Degmada Wadajir. Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Iska-Hor-Imaadkan ayaa tibaaxaya in uu Dagaalkan bilowday ka dib markii Ciidamo ka tirsanaa Alfgrup ay Weerar culus ku qaaden Guri ku yaala Agagaarka Xarunta Hay’adda UNDP, oo ku dhow Garoonka  Aadan Cadde.


Dhismaha la weeraray ayaa waxaa la sheegayaa inuu degnaa Sargaal ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida Qaranka Somalia, ahna Ganacsade soo degsada Hubka kaasi oo lagu magacaabo Cabdi Ileys. Hooyga Cabdi Ileys ayaa waxaa weeraray Ciidamo ka tirsan NabadSugida Qaranka gaar  oo iminka la wareegay gabi ahaan Dhismaha, waxaana meesha laga waayay Ciidamadii ilaalada u aheyd Cabdi Ileys.

Dagaalka waxaa ku Naf waayey Seddex Ruux oo ahaa Dad Rayid oo Goobtaas ka agdhawaa. Lama Oga Ujeedka ka dambeeyay Weerarkan  lagu qaaday Dhismaha Sargaalkaasi, wallow ay Warar hoose sheegayaan inuu jiro Tuhun laga qabo Howlaha uu Gacanta kula jiro.