Maxaabiis Cafis Loogu Fidiyey Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabelaha Hoose

0
40

alshababXarakada Al-Shabaab ayaa cafis u fidisay maxaabiis ku xirnaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo ay sheegeen inay ku maamuusayaan maalintii ciidda ahayd ee aynu ka soo gudbnay.

Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sh. Maxamed Abuu-Cabdalla ayaa sheegay inay go’aansadeen in shan maxbuus oo xabsiga ku jiray in munaasabada ciida awgeed cafis loo fidiyo.

“Shantan nin ee aan sii daynay dambiyo kala duwan ayay galeen, sannado iyo bilooyin ayayna ku kala xukunnaayeen, kan ugu yar laba bilood ayuu ku xukunnaa, waxaa nala soo gudbiyay in inta badan ay ku tooseen xabsiga, waana lala socdaa xaaladda maxaabiista xabsiga ku jira maalin walba,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Cabdalla.

Maxaabiistan lasii daayay ayaan gelin dambiyo waa-weyn sida dilal iyo kuwa kale sida ay sheegen mas’uuliyiinta Al-shabaab, tanina waxay noqonaysaa markii u horreysay oo Al-shabaab ay ku dhawaaqdo in maxaabiis u xirnaa ay cafis u fidisay.

 

Daafeet.Com