Kulan Looga Hadlayo Amaanka oo Lagu Qabtey Magalada Baydhabo

0
36

baydhabAMISOM ayaa shir looga hadlayay ammaanka iyo la-dagaalanka Al-shabaab oo ay ka qaybgaleen waxgarad iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Bay ku qabatay magaalada Baydhabo, iyadoo uu shirkaas ka hadlay taliyaha ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.

Jen. Gebremedhin Fikadu ayaa kulanka ka sheegay in kulanku uu yahay mid muhiim ah oo kusoo beegmay xilli ay Al-shabaab sii waddo weerarrada ay la beegsanayso dadka shacabka ah.

AMISOM ayaa sheegtay in 22-kii bishan lagu xiray deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab. Kaddib koox Al-shabaab ka tirsn ay dad rayid ah ku dileen deegaankaas.

Sidoo kale, waxay sheegtay AMISOM in magaalada Baydhabo lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay, Cabdi Xasan Doodaale, kaddib markii ay isaga iyo xoogag Al-shabaab ka tirsan ay soo weerareen saldhigyo ciidan iyo xabsiga magaalada Baydhabo.

Saraakiisha AMISOM ee Baydhabo ku sugan ayaa uga mahad celiyay dadka degmadaas iyo maamulladaba sida ay gacanta ugu siiyaan ciidanka AMISOM howlgallada lagu adkeynayo ammaanka iyo guud ahaan gobollada Bakool iyo Bay.
Daafeet.Com