Dadka Sh.Hoose oo Sanadkan 1da Luulyo Murug ku soo Dhawaynaya

2
125

IMG_0702Maanta waxay ku beegan tahay 1 Luulyo oo astaan u ah markii ay Xornimada qaateen Gobolada Koonfureed islamarkaana ay israaceen Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ayaa Munaasabad ballaaran oo loogu dabaal dagayay 54-Sano guuradii ka soo wareegatay waxey Xalay ka dhacday  Xerada Tababarada Ciidamada Booliska ee Janaraal Kaahiye iyadoona si weyn loo adkeeyay amaanka guud ee Wadooyinka soo gala goobta ay Xaflada ka socotay.

Waxaa xusid mudan in Munaasabadan  ku soo aadayso ayadoo dadka Sh.Hoose la barakicinayo oo Dagaalna lagu hayo, kaas oo loogu danleeyahay in Degaankooda lagu boobo. Tani waa Gumaysi hor leh oo aan Geed loogu soo gaban. Dagaalka waxa ka qayb qaadanaya Ciidanka iyo Baabuurta Dowlada Muqdisho. Dadka Sh.Hoose oo Halganka Dalka loogu xoreynayay Gumeystihii Taliyaaniga Qeyb Weyn ka qaatay, ayaa Maanta gudaha Gobolka Dagaal Xaq u dirir ah ay kula jiraan Maleeshiyo Beeleed diirka sare ka ah soomali laakiin gudaha ka ah wuxuush ayna  waajib tahay in lala dagaalamo.

2 COMMENTS

  1. Gusha waxa iska leh Ninka dhulka uu dhastey Kahiye iyo Idhacade, ama dhukl boob waxa sugeyso Ninki Dhoof ku yimd aya geridu dhibeysa Edebdaradaba waxa keentey in dhul dadow Xeroyinkisa ama Wadoyinkisa nin Dhoof ku yimid logu magac daro. NO M ORE MAGACYADA JENERALDA DHULA UU DHASHTEY HA LOGU MAGAC DARO. ileen GOBOLADOODA JENERAL KOFUR UU DHASHTEY MAGACISA MA WATANE.

  2. ilaa iyo xiligan inuu dagaal ka sii socdo gobolka oo cidna Wax ka qaban weysey runtii waa dhibato cusub oo la doonayo in lagu barakiciyo shacabka ,taaso ay wadaan habaaraney iyo dowlada muqdisho oo taagereysa qaa imintaas uu wadanka ka degi waayey 23ki sano ee la soo dhaafey.waana in looola dagaalamaa sida gaalada oo kale iyo si ka daran soomaliyey..

Comments are closed.