Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeyb Galey Xaflada 26 Juun

2
108

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey 54 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay xurroobeen gobollada waqooyi isl-markaana ciida Soomaaliyeed laga taago calanka Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu qabtay Muqdisho ayaaa waxaa goob joog ka ahaa, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka diinta iyo owqaafta, wasiirka warfaafinta, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, wasiirka dhallinyarada iyo ispoortiga,wasiirka ku xigeenno, Xildhibaanno, Gudoomiyaha Gobollka Banaadir iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray xafladda ayaa marka hore hambalyo ku aadan 26-Juun u diray dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhacday dalka aysan umadda Soomaaliyeed ilowsiin doonin taariikhdeenna. “dhibaato waay dhacday waxbadanna way naga qaldameen hasa ahaatee taasi macanaheedu maaha in dhibaataaasi na ilowsiiso taariihdeenna. Wax walba oo dhacay waan ka heshiineynaa Ilaahey idinkiis,”

Madaxweynaha oo ka hadlayey midnimada umadda Soomaaliyeed ayaa yiri. “Maanta waan ka fusrado badanahay maalintaas, waan ka aqoon badan nahay, waan ka tiro badan, waana ka xoolo badan nahay. Waxa naga haleysan waa siyaasadda, waana tooseeysaa, midnimadiina waa soo laabnaneysaa, waliba si wallatinimo leh iyo is jacayl ayey ku soo laabaneysaa”.

 
Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. kkkkkkkk soomali sidaan kuma midoobeeyso in degmo walbo qabiil goosto midnima manaqeeyso oo dhulmahanti gobal goosto oo majeerteen gobal goosto oo isaaq gobal goosto oo xawadle gobal goosto oo habargidir gobal gooosato oo abgaal gobal goosto oo eelaay gobal goosato oo mariixaan gobal goosto madaxweeynoow midnimo ku keen hada ragtahay ee adne umada usaxiix si loosii kala fogaado xildhibaanadi kudoorta shacab ma metelaan ee soomali idin qabee malahan oo waakuwaan qabiilka isku dilaa dadki idin qaban lahaay

  2. Wuxuu qabto ayuu wayeey dhereg dhacsi ayuu hafdalaha iyo diyaradaha uu saranyahay.Alleh ayaa laga magan galey Madaxweyne dacad ah ma tihid

Comments are closed.