Dr. Abdirahman Beileh: “Safiiradu waa inay la soo banbaxaan waxqabad muuqda ,kuna wacyigeliyaan Jaaliyadaha dal jaceyl”

0
25

dowladWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa xaley casha sharaf ugu sameeyay Hotel Jazeera ee Caasimadda Muqdisho qaar ka mid ah safiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,isagoo ku booriyay inay xoojiyaan howlaha qaranka ay u hayaan oo ah fulinta siyaasadda dibadda ,dib u dhiska ,maalgeshiga iyo ilaalinta midnimada iyo madax banaanida dalka.

Kulankani cashada ah ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee dalalka Uganda, Tanzania, Yemen, Pakistan, India, Malaysia, Turkey, Germany , Italia iyo agaasimayaasha habmaamuuska iyo machadka daraasaadka diblomaasiyadda ee Wasaaradda .

Fadhigani ayaa waxaa looga hadlay qaabka lagu horumarin karo Wasaaradda,dhismooyin cusub oo laga hirgeliyo Xarunta Wasaaradda oo la xiriira Machadka daraasaadka diblomaasiyadda,maktabadda, naadiga diblomaasiyiinta iyo guriga martida.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa xusay inay laga maarmaan ay tahay in dhammaan safiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u kala matala wadamada kala duwan ee caalamka ay la soo banbaxaan waxqabad muuqda oo dalka ku soo kordhin kara faa’idooyin kala duwan , waxa uuna yiri “ waa inaan badalnaa muuqaalka wadankeena, oo aan dib u soo celinaa sumcadda iyo karaamada magaca Soomaaliya, waa inaad Jaaliyadaha Soomaaliyeed ku wacyi-gelisaan wadaniyad iyo dal jaceyl,si ay sare ugu qaadaan calankeena , ayna ka qeybgalaan dayactirka iyo dib u dhiska Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha”.

Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa waxa kale oo uu madasha ka yiri “waa inaad la qeybsataan dhibta dadkiina si aad ugu saldhigtaan dhaqan wadaniyadeed, una istaagtaan badbaadinta taariikhda iyo jiritaanka ummada,waa inaan ku faannaa Soomaalinimadeena oo aan mideynaa dhammaan fikradaheena si horumar loo gaaro”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay Allah dambi dhaaf weydiistaan , ayna is cafiyaan,kana midoobaan dhammaan khilaafyada colka abuuray ,ayna taageeraan dowladda Federaalka Soomaaliya si loogu guuleysto geedisocodka nabadda iyo dib u heshiisiinta.

 
Daafeet.Com