Dowlada Jabuuti oo soo gabagabeysey Baaritaankii ey ku heysey Qarax ka Dhacay Jabuuti

0
101

jabutiDowladda Djibouti ayaa soo gabagabaysay dambi-baadhistii la xiriirtay qaraxii ka dhacay Djibouti 24-kii May.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Djibouti ayaa soo bandhigay cidda ay ahaayeen labada qof ee qaraxa fulisay iyo halka ay ka yimaadeen.

Kulan Saxaafadeed uu ku qabtay Magaalada Jabuuti gaar ahaan Hoteelka Sheraton ayaa wuxuu ku faah-faahiyay cida ka dambeysay qaraxa magacyadooda iyo halka ay Jabuuti kasoo galeen.

Xeer ilaaliyaha Djibouti ayaa sheegay in ay u caddaatay in labada qof ee qaraxa fuliyay ay kala ahaayeen Muuse Rooble Hiraab, iyo Hodan Maxamed Ciise oo soo galay Djibouti 22-kii May, Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in ay ka yimaadeen dhinaca magaalada Hargaysa iyaga oo ka soo gudbay barta kantroolka ee xadka ee Lowyacaddo.

Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in soo galitaankooda uu u fududeeyay askari ka tirsan booliska Djibouti oo lagu magacaabo Sulaymaan Axmed Waaberi, kaasi oo imika xabsiga ku jira.

Intii ay Magaalada Jabuuti ku sugnaayeen labadaasi xubnood ee qaraxa ka fuliyay Magaalada Jabuuti waxa ay la noolaayeen ehelada Sulaymaan Axmed Waaberi oo qaraabo dhaw ay ahaayeen inanta iyo inanka isqarxiyay.

Baadhista ku aadaneyd kiiska dadkii ka dambeeyay qaraxii maqaayada Jabuuti ka dhacay ayaa halkaasi lagu sooafjaray.

 
Daafeet.Com