Wasiirka Gaashaandhiga oo si Kumeel Gaar ah Loogu Magacaabey Inuuu Sii Hayo Xilka Wasiirka Amniga Qaranka

0
23

xamudRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si KMG ah xilka wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ugu magacaabay wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Mudane C/weli Sheekh ayaa sheegay in inta uu kasoo magacaabayo xilka wasiirka uu howsha sii wadi doono wasiirka gaashaandhigga, isagoo xusay in wasiirka looga baahan yahay inuu howshan wax ka qabto.

Lama oga wuxuu wasiirka gaashaandhigga oo sii hayn doona xilka wasiirka Amniga Qaranka uu ka qaban doono ammaanka Muqdisho, iyadoo Al-shababa ay wadday tan iyo markii Muqdisho ay ka baxday weerarro argagaxiso.

Is-casilaadda wasiirkii hore ee Amniga Qaranka ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku dhaqaaqo wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ku fashilmay howshii loo idmaday.

 
Daafeet.Com