Shirkad Shisheeye oo baaris Shidaal iyo Gaas ka bilowday Degmada Afgooye !(Warbixin)

5
76

addShirkada Kilimanjaro Capital oo fadhigeedu yahay Belize ee koonfurta Amerika ayaa sheegtay inay bilaabi doonto mashruuca Gaaska iyo Shidaalka laga soo saarayo degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose.

Shirkada Kilimanjaro Capital ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2013 heshiis kula wareegtay mashruuca Gaaska Afgooye oo ay dowlada Federaalka horey ugu saxiixday Shirkada lagu magacaabo AMSAS.

Heshiiska cusub ayaa lagu sheegay in dowlada Federaalka 51% ku leedahay mashruucan halka shirkada Kilimanjaro ka helayso 5%, inta kale dhaqaalaha kasoo bixi doona mashruucaasi ayaa u qoran inay helayso shirkada heshiiskii 1aad leh ee AMSAS.

ACA BLOCK oo ah ceelka la doonayo in laga qodo Afgooye ayaa horey baaritaan loogu sameeyey xiligii 60kii, waxaana xiligaasi bilaabay shirkadii Somal Sinclair, wakhtigii Dowlada Militariga ayaa la Qarameeyey ceelkaasi mashruuciisa, waxaana dib maalgelin loogu sameeyey dhamaadkii 80kii waxaana mashruucaasi maalgeliyey Bangiga Adduunka, walow uu soo dhexgalay dhameystirka mashruucan dagaalkii Sokeeye iyo Burburkii Qaranka Soomaaliya.

Deegaanka Afgooye ayaa la sheegay inay ku jiraan ugu yaraan 21 milyan oo fuusto oo shidaal ah iyo qiyaastii 130 Bilyan cabirka Gaas la iibgeyn karo.

Shirkadan Kilimanjaro Capital iyo dowlada Federaalka ayaa si qarsoodi ah u watay wadahadalkooda ku aadan bilaabida mashruucan Afgooye oo kamid ah deegaanadii laga saaray Al Shabaab.

Gobalka Shabeelada Hoose ayaa kamid ah goobaha weli sida weyn la isugu heysto oo ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo, dagaaladaasi oo ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.

Shirkada Kilimanjaro ayaa sheegtay inay sanadkan gudihiisa bilaabi doonto mashruuca isla markaana xooga saari doonto dhanka Amaanka iyo waliba isgaarsiinta deegaanka baaritaanka lagu sameenayo ee loo yaqaan ACA BLOCK oo ku fadhiya dhul cabirkiisu yahay 1,161,400 acres.

Dowlada Federaalka ayaa horey u sheegtay in soo saarista macdanta Soomaaliya u adeegsan doonto dib u dhiska dalka, balse mashaariicdan oo ah kuwo aysan dad badan wax kala socon, ayaa kusoo beegamaya xili dowlada Federaalka lagu dhaliilayo musuq maasuq iyo hay’adaha amaanka oo hawshoodii gabay.

Dhinaca kale mashruucan ayaa saameyn ku yeelan kara dadaaladii loogu jiray dhismaha maamulada Federaalka ee koonfurta Soomaaliya, xili aysan weli jirin heshiis laga gaaray Dastuurka Federaalka iyo waliba habka dhaqaale qeybsiga ee maamulada Federaalka iyo xukuumada dhexe.

Halkan ka Akhriso Warbixintii sanadkii hore laga diyaariyay     gas

 

 

5 COMMENTS

  1. Waxaa Suaal Ma doonta Ah dhulka Yaa iska leh Marka Hore Ileen Dowlad Xaq soor Ah Meesha Ma Joogto MAxa Yelay Waxaa Loogu Haayo ciidamo Aan Wadanka Iyo Dhulkaba U dhalan Ayaa Ah Siyasad Lesla Wada Ogyahay OO aysan Ogeen Qowmiyada Dhulka Iska Leh Xitaa DHulka LAga Qodayo Aduunka Sharci Ayaa Ka jiro oo Ah in Dhaqalaha Ka soo BAxayo Dadka Dhulka Iskaleh Ay Wax KU leyihiin Kii Jooga Iyo Kii Dhalanayo Intaba, Hadana Dowlada Sida Afka Laga Sheegayo Waxey KU dhisan Tahay Fedaralisamo Marka Dadkii Iney Xaqaas Leyihiin Oo hor boodi Laha Waxey Jiifan Hotelada Muqdisho KUwa Kalana Madmadowe Alla Ku Yaqana Waaye Dhalintii Dhulka U Dhalatay ee Aqoonta Heysata Yaa Ku Gowawina Hee .
    DM Dhulkiina Waxa Looga Kici LAyahay Ayaa Ah Inow Dhulka MAcdan iyo Wax soo saar BAdan Leyahay DM KAco Siriqda La idin dhigayo iska Lexiya kaco Kira Ka Qaata Dowladaba kaco KAsma Yesha

  2. dowlada federalka xaq uma lahan iney mashrucan dib ubilowdo, sababto ah bilowga mashruca qabka ay somaliya siyasadeda ku socotay wuxu aha centerelized ama dowlad dhexe ayada aya go’anka qadaneysey, balse hada nidamka siyasaded e somaliya wu isbadalay wa decenterelized ama federal, taso macnahedu yahay dowlada k.g iney kala tashato , arinka 2ad e dowlada federalka udidayo fulinka mashrucasi wuxu yahay gobolka sh.hose o ay hestan moryan , mashrucana wuxu la mid noqonaya dakhligi dagmada so gli jiray o jabka logu shubi jiray moryanta iyo wixi la halmala o an danaha gud e dagmada lagu bixin jirin . tankale rer sh.hose waxay xaq uleyihin markey awod uso helan inay ka dhacsadan dhulkoda moryantasi taso macnahedu noqonayo gobolka ma nabdona , malgashi nocan ahna cidii ku sameysata ayada ka masu’l ah khasaraha bari kaso gara…

  3. Waxa suaal ahdhulki yaa iskaleh dhulkiwaxaiskaleh gowmiyada digil &mirifle malugula teshtey in mesha shidaalagugodo waxanugubageya madaxweynaha kunfurgalbed &golahagurtida.inaywadahadil lagalan shirkada

  4. Tan waxan u Fasiranayaa in aan dhulkaan Dad Lahayn ee Dowlada ay Leedahay Riyo Been ah ayey ku Riyonayaan shidaal Hadii dhulkaan laga soo Saarayo D/ konfur galbeed iyadoon ogolaan saamigeedana meel la saarin waa been in laga soo Raaso kaliya intaas ma ahan Reerka Dhulka Laga soo Saarayo waa in Xaqooda meel la saaraa
    Reer kon fur Gal Beed arintaan ka xadla haka aamusina

Comments are closed.