Madaafiic Xaley lagu garaacey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir

0
32

madfacMadaafiic ayaa xaley lagu garaacey qeybo ka mid ah gobolka banaadir madaafiicdaas oo geystey dhibaato isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, Inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 3 Riuux waxaana ku dhaawacmey in ka badan 8 Ruux.

Madafiicdan oo ahaa kuwo is-daba-joog ah ayaa xalay 11:00 habeenimo waxaa laga maqlayay inta badan Muqdisho, waxaana madaafiicdan qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dad rayid ah deggen yihiin.

Xubnno ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa sheegaya in madaafiicdan ay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsanayay jaamacaddii hore ee Gaheyr oo ah saldhig ay daggan yihiin ciidamada Burundi oo ka tirsan kuwa AMISOM.

Dadkii ku dhaawacmay duqeynta ayaa la dhigay isbitaalka Madiina halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo degmooyinka gobolka Banaadir la duqeeyo xilli habeen ah.

 
Daafeet.Com