Dagaalo Xaley ka dhacay Degaanka Kulan-jeer ee Gobolka Bakool oo Qasaara geystey

1
77

Alshabaab-dagaal1Dagaalo aad u xoogan ayaa waxaa ey ka dhaceey Deegaanka Kulan Jeer ee gobolka bakool taaso inta la ogyahay ilaa iyo hada ay ku dhinteen 7 ruux in ka badan 10 ruuxna ey ku dhaawacmeen. Ugu yaraan siddeed ruux ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Kulan-jareer ee gobolka Bakool.

Dagaalkan oo billowday saakay aroortii ayaa illaa hadda ka socda deegaankaas, iyadoo sarkaal u hadlay ciidamada dowladda uu sheegay inay weerareen mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab.

Sidoo kale, sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada dowladda uu ka dhaawacmay hal askari oo keliya, balse goobjoogayaal ku sugnaa deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen maydadka sideed qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah.

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in deegaankii lagu dagaalamay ay ciidamada dowladdu ku sugan yihiin, xoogaggii Al-shabaabna ay isaga carareen, balse ma sheegin ujeeddada ay xubnaha Al-shabaab lahaayeen.
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. waxan aad iyo aad uga faraxsanahay dagalada hada kasocda gobolada somaliya iyado looga danleyahay ciribtirka koxda nabadiidka ah waxan leyahay cidamada somaliyana dalkina daacad unoqda

Comments are closed.