Taariiqda iyo wax qabadka Maxadweynaha Konfur Galbeed Somaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed

6
274

nunowMadaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed waxaa uu ku dhashey degmada Diinsoor sanadku markii ahaa 1948 waxaa uu heerkiisa waxbarasho ee hoose dhexe iyo saraba uu kusoo qaatey degmada diinsoorm, ka dibna waxaa uu galey Machadka Culuunta,Siyaasadda Xalane (Political Seines) (DIPLOMA) 1979/1980

Machadka Maamulka iyo Maareynta Somali Institute Of Development Administration And Management (SIDAM) DIPLOMA One Duration 1984

Seminaaro iyo Aqoonkororsiyo Sharciga, Maamulka, Siyaasadda, Bulshada iyo Tababaro Ciidanimo,Xafiiskii Xiriirka Dadweynaha iyo kii Siyaasadda ee Abuurista Kaaderiin xagga Siyaasadda iyo Maamulka ee xilligii 1970/1990kii.

Seminaaro:-Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha Somaliyeed Xaruunta dhexe ee Muqdisho 1976/1977

U Gogolxaariddii Aasaaska Xisbigii Hantiwadaagga 1976 iyo Anigoo ka mid ahaa Aasaasayaashii XHKS Shirweynihii Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo Xubin Xisbiga ka mid ah.

Seminaaro:-Ururkii Dhallinyarada Xaruunta dhexe iyo Heer Degmo, gobolka 1972 ilaa 1974

Ka qaybgel shirar iyo seminaaro aqoonkororsi( ku saabsan hawlaha Dasaatiirta iyo Saxaafadda) kuwaasoo lagu kala qabtay Dalalka Shiinaha,Sudaan, Jarmalka. Kenya, Jabuuti, Sacuudi Carabiya iyo Gudaha Dalka 2007 ilaa 2010ka.

Ka qaybgel Shirarkii Dibuheshiisiinta Somaliyeed ee waqtiyada kala duwan lagu kala qabtay Dalalka Ethiopia 1993, Djiouti 2000 Kenya 2003 ,Djibouti 2008/9 iyo kuwo dalka Gudihiisa lagu kala qabtay,

B)Waaya-aragnimada Shaqada

Dhallinyaradii Horseedka SYL ee heer Degmo Diinsoor 1966/1968

Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Karaani ama Xoghayn Guddoomiyaha Degmada Diinsoor 1974ka

Madaxa Xafiiskii Siyaasadda ee Degmada Diinsoor 1976 /1978

Guddoomiyaha Ururkii Dhallinyarada Kacaanka Soomaliyeed Degmada Diinsoor ,xubin Guddiga Dhallinyarada Gobolka Bay,

Xoghayaha Warfaafinta Xiriirkii Ururada Shaqaalaha Guddigiisa Degmada Diinsoor,Xubin Guddiga Shaqaalaha Gobol Bay,

Guddoomiyaha Guddiga Disibilinka Tababaradii Ciidameynta Shaqaalaha Dowladda iyo Ururadii Bulshada ee Xalligii Dowladdii Kacaanka,(oo loo yaqiinay Tababarka Maleeshiyaada)

Madaxa Laanta Arrimaha Bulshada ee XHKS Degmada Diinsoor 1977/1978

Kaaliyaha Koowaad ee XHKS Degmada Sablaale Gobolka Shabeellada Hoose 1980/81dii.

Kaaliyaha Koowaad ee XHKS Degmada Beled Xaawo 1981/1983,

Kaaliyaha Koowaad ee XHKS ee Degmada Diinsoor,

Guddoomiyaha Golaha Shacbiga (Duqa) Magaalada Diinsoor 1985

Hawlwadeen XHKS Xaruunta Dhexe ee Xamar,

Xoghayaha XHKS ahna Guddoomiyaha Maamulka Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe 187- 90ka,

Guddoomiyaha Guddi Samatabixin Degmada Diinsoor Xalligii Burburka billowday 1991- 92

Guddigii Fulinta Ururkii Boonkaay 1993,

Abuuris EGAT LNGO Noqdayna Guddoomiye NGO-ga 1994

Asaasayaashii Shirarkii looga gogolxaaraayey Dowlad Gobleedkii May niin dan e iyo May niin Tala e oo lagu qabtay Baydhabo 1993/94

Wasiir-Goboleedka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedkii lagu dhisay Baydhabo 1994ka

Asaasayaashii Ururkii RRA 1995

Guddiga Fulinta ahna Madaxa Hoggaanka Gaadiidka iyo Isgarsiinta Ururka

Xubin Baarlamaan iyo Guddiga Siyaasadda iyo Maamullada Baarlamaanka TNG Arta 2001

Xubin Baarlamaan TFG Embgath i Kenya 2004ka

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Dowladda TFG,2004

Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Dowladda TFG 2007

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga (Magacaabid) 2008ka,

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda TFG 2009 ilaa 2010ka.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka 2011

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG Somaliya 4/01/2012

Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Baarlamaanka Federaalka 2013/4

Guddi Farsamo iyo (Steering Committee) Dhismaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya 2012 ilaa 2014.
Iyo ugu dambeyn maanta oo loo doortey inuu hogaamiyo Dowlada gooboleedka koonfur galbeed somaliya 5 sano ee soo socota haduu alla idmo.

 

Daafeet.Com

6 COMMENTS

  1. shukran waxa manta noga filamn farxad intan anako so marney dhib iyo dhibato o ti manta oh alah naga sarey waxan kuga shukrineyna alah wana ku maxadsantihin dhaman rerka so xuley sidan sharafta badana u so xuley shirka waxan idin ku so duceyneya anigo ah wil rer bar bara ah kuna sugan wadanka south africa gar axan magalada cep to in alah subxana watacala idin lagarab galo xilka ad qaden amin amin

  2. waa guul aan muddo sugayney ayaa inoo cuaratey , ilaah waxaan kabaryayaa inuu ka dhigo kii lagu nasto oo dhibta looga baxo الله معكم يا بلادي

  3. ufurow fulaay xaarweyne ah, baardheere iyo luuq,sakow ceel waaq iyo jilib nin kilinka shanad ka yimid inu isu sharciyeeyo walee yeeli meyno adiga dad xaqaaga ku dhimaan karin ilmaha haay ama fakarkana daciifka ah ka dhaaf umada

  4. Urufow katag meesha dowlada koofur galbeed 6deeda gowal waa muqadas midakale uhuuru kenyata inuu gowaladan mid kamida inuusan u hunqul taagikarin adigane hade qabri dahab iyo dhagax buur isaga iimanqab ok

Comments are closed.