Guuxa dadweynaha iyo Doorashada Madaxweynaha K/G ee maanta

6
155

musharaxGuud ahaan shacabka ku nool magaalada Baydhabo ayaa waxay maanta aad u hadal hayaan doorashada madaxweynaha Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed Soomaaliya oo maanta ka dhici doonta Xarunta ADC-da.

Guud ahaan Xarumaha Waxbarashada,Goobaha ganacsiga,Mihnadaha gaarka ah iyo Xafiisyada Dowlada ayaa guud ahaan xiran maanta iyadoo dadka badankiisana lagu arkaayo wadooyinka soo gala xarunta ADC-da iyo weliba goobaha lagu Shaaho oo ay dadku inta badan ku sugayaan waqtiga loo qabtay inuu shirku bilowdo.

Dadka intiisa badan ayaa ku kala aragti duwan Musharaxiinta iyo cida ugu haboon ee maamulka KoonfurGalbeed hogaanka u qaban doonto iyagoo qaarba kuwa kale kula doodaya ceebaalka iyo weliba amaanta shaqsiga ay taageerada u hayaan ama ay ka soo horjeedaan balse waxaa hubaal ah in shacabku aanu lahayn maanta doorka wax doorista.

Hadaba anagoo u kuurgalayna doodaha iyo guuxa dadweynaha ee jira ayaa waxaan idiin soo koobaynaa aragtiyada ugu badan ee ay dadku qabaan kana qabaan Musharaxiinta lixda ah ee maanta tartamaya.

Aragtida Wareegyada Doorashada.

Inta badan dadka ayaa waxay qabaan in ugu badnaan doorashada madaxweynuhu ay noqon doonto ilaa sedex wareeg maadaama Lixda musharaxba ay yihiin Digil iyo Mirifle isla markaana la rumaysan yahay in codadka ay wada qaybsan doonaan balse galgalka beelaha kale iyo xodxodashooda lagu kala hormari doono oo hadba sida loogu fara dhuudhuuban yahay loo heli doono codadka beelaha kale iyadoo sidoo kalena gudiga doorashadu qiimayn doono wareega koowaad oo Musharixii waaya 10% oo ah 7 Cod uu ka hari doono wareega labaad ee doorashada.

Musharixiinta aad loo hadal haayo inayan wareega koowaad soo dhaafi doonin waxaa ka mid ah Musharax Madaxweyne Cabdullaahi Maxamed Idiris(Leesto),Musharax Madaxeyne Saalax Sheekh Cismaan iyo Musharax Madaxeyne Cabdifataax Maxamed Ibraahin Geeseey.

Halka Musharaxiinta Madaxweyne ee kala ah Madoobe Nuunoow,Xasan Maxamuud Abuukar iyo Maxamed Aadan Farkeeto ay u gudbi doonaan wareega Labaad.

Hadaba waxa xigi doono wareegan labaad ayaa waxa uu yahay mid dadku ay aad ugu kala tagsan yihiin dad badan ayaa waxay qabaan in wareeg Sedexaad aan loo baahanba doonin halka qaarna ay qabaan in wareeg Sedexaad in la galo uu yahay wax aan la huri doonin iyadoo koox waliba ay sabab macquul ah soo bandhigayso balse waxaa hadana meel hoose ay inta badan dhigayaan Musharax Madaxweyne Maxamed Aadan Farkeeto oo ay kuu sheegayaan in wareeg Sedexaad aanu cod u heli karin iyadoo ay kuu sheegayaan in Xasan Maxamuud Abuukar iyo Madoobe Nuunoow ay yihiin labada ruux ee buuxin kara shuruudaha ay rabaan in badan oo ka mid ah dadka leh codaynta oo ah Xubnaha Aqalka Guurtada KoonfurGalbeed Soomaaliya.

Kolka ladaan Musharax Madaxweyne Xasan Maxamuud Abuukar iyo Madoobe Nuunoow lays barbar dhigo ayaa waxaa hadana durba ay dadka kuu sheegayaan in midkii yimaadaba uu kan kale yahay oo dooda iyo hadalka waxay ku xirayaan Duco ay ku ducayusanayaan inuu ILLAAH u dooro kii samatabixin kara ummada dulman ee ku nool KoonfurGalbeed Soomaaliya.
Hayeeshee Fardo jooga laysuma faanshee waa inoo hoolka ADC iyo codaynta waxa kasoo baxa.

 
Abdiaziz Sh Salah.

6 COMMENTS

  1. Yaa Rabi Yaa Rahman Yaa waduud Ilaahow Ilaah aan adiga ahayn ma Qabno Ilaahow Adiga kaliya Ayaan kuu sajuudnaa kuu soonaa Ee Ilaahoow Maanta Halka kheerka dadka dalka iyo Ummada ku Jiro waafiji Umaradeena. Aamiin Yaa Samiic. Ilaahoow dhulkaan kaa barinaye Samada ka Aqbal, Ilaahoow Afarta Benjaho Kherka jira Nasii Ilaahow Sharta shaydaanka iyo Insiga naga qabo. Aamiin. Wibilaahi Towfiiq.

  2. digil iyo mirifle iyo dhamaan walaalaha koonfurgalbeed u diyaar garooba shucuurtiina ku aadan inaad muujisaan meelwalboooaad joogtaan.

  3. waaaaaaaaaaa guuuuuuuuuuuuuuuul koonfurgalbeed ee dadka dulunka kunoolaa 24 sano oo ay kaga baxayaan ciiilka insha allaah.

Comments are closed.