Dhegayso…Naafada Garbahaarey oo dhibaatooyin ay haystaan iyo kaalmo la gudoonsiiyey

0
102

naafoDadka ku naafoobay dagaalada,colaadaha iyo cudurro dalka ka jira ee ku sugan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya dhibaatooyin iyo xaalado adag oo xilligaan ku heysata gudaha magaalada. Naafadan oo isugu jira indhoolayaal, dhagoolayaal iyo curyaamiin rag iyo dumar ah ayaan haysan fursado shaqo iyo taageero bulsho midna.

Aden Cabdule Aden oo ah gudoomiyaha dadka naafada ah ee degmada Garbahaarey ayaa raadiyaha Wadajir u sheegay in dad naafo ah oo ka badan Sagaashan ruux oo deegaanka ku nool aysan helin gargaar iyo kaalmo maxali ah iyo mid dibadeed toona.

Dhinaca kalena Qaar ka mid ah dadka naafada ah ee ku dhaqan Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, ayaa waxaa la gaarsiiyay deeq ka kooban gawaarida curyaamiinta iyo deeq lacageed oo dhan $25US.

Gawaarida loo qaybiyay naafada reer Garbahaarey, ayaa waxaa weeyaan nooc casri ah, oo leh suuli/musqul ay ku saxaroon karayaan naafada, marka ay xaajadoodu gudanayaan.

Halkan ka dhegaysoNaafada Garbahaarey oo dhibaatooyin ay haystaan ,wada